4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 1 , 2021
Wasiir Gaafaadhi " Buurmadow wuxu caadaystay hadalo anshaxa iyo dhaqanka ka fog"
 

Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaynta Somaliland Xasan Maxammed Cali (Gaafaadhi), oo u jawabayay boqor Buurmadow, ayaa boqorka ku sifeeyay shakhsi dhib badan, oo danayste ah, isla markaana si uu u gaadho u jeedooyinkiisa xataa u dagaalami kara.

Wasiirka ayaa sheegay in boqor Buurmadow aanu ogolayn cid la awooda ahi in ay kasoo baxdo deegaankiisa isla markaana uu la dagaalamo cidkasta oo uu u maleeyo in ay jagadiisa cidhiidhi galin karto.

"Waa nin aan ogolayn in cid is bar bar taagto, ama cid kale reerka kasoo baxdo, qof kale oo cod leh oo reerka kasoo baxa nin ogol maaha, reer ku markay khaati iska taageen dhibatadiisi waxay go'aan sadeen in ay suldaan labaad samaystaan" ayuu yidhi.

Wasiir Gaafaadhi ayaa Buurmadow ku tilmamay nin maalinkasta ku hadla wax aanu samayn karayn, isla markaana wuxuu ugu baaqay in uu dalka gudihiisa yimaado hadii uu wax samayn karo, hadii kalena uu iska daayo hanjabaada uu kasoo dirayo dibada.

"Waa hadalo isaga laftiisa wax yeelo ku ah oo magac xumo ku ah, wax aanad yeeli karayn oo aanad ka dhabayn karayn maaha in aad maalinkasta tidhaahdo, maalin walba hadaan sida la yeelin 24 saacadood gudahood balayaa dhacaysa, marka uu sida leeyahay gantaalo Imaraatka kasoo ridi maaye dalka ha yimaado" ayuu yidhi.

Wasiirka ayaa sheegay in boqor Buurmadow caadaystay hadalo kafog anshaxa madax dhaqameednimo iyo ka wayeelnimo sida uu hadalkiisa u dhigay, waxa kale oo uu boqorka ku tilmaamay qof dhib badan, oo waliba danayste ah.

"Wuxuu maalinkasta caadaystay hadalo deel qaaf ah, oo aad iyo aad uga fog anshaxa madax dhaqameednimo, oo ka wayeelnimo ku xun, sidokale Cismaan waa nin dhib badan oo ka shaqeeya dhibaatada dadka, waa nin aan cidna u tudhin oo dantiisu meeshay ka gasho xataa dagaal galin kara" ayuu yidhi.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) ayaa waraysi uu siiyay HCTV madaxweynaha Somaliland ugaga digay in uu xidho xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo sheegay in xukuumada Somaliland shirqool afduub ah ugu maleegtay xili uu joogay Addis ababa.



Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
 [email protected]