3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 5 , 2021
Xasan Sheikh: Madaxweyne Farmaajo colaadiisu waxay gaartay inuu ciidanka ilaalayda ah ka goosto mushaarkii iyo raashinkii
 

Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda madaxweyne Farmaajo ay colaadin joogto ay ku haysay tan iyo sanadkii 2018, goortaas oo uu  bilaabay inuu dhaliilo siyaasada dowladda.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wareysi siiyay Radio Kulmiye ku sheegay mid kamid ah colaadinta uu ka sheeganayo maamulka madaxweyne Farmaajo in ay ahayd kadib markii uu sheegay in ciidanka ilaaladiisa ah laga goostay mushaarkii iyo raashinkii la siin jiray.

Xasan Sheikh wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu isku dayday in la dilo 19 kii febraayo, kadib markii uu sheegay in hotelkii uu degenaa weerar lagusoo qaaday, balse uu ka badbaaday weerarkaas.

“Habeenkii oo dhan xabbad ayaa nagu socotay, waxaa la rabay in nala dilo kadibna la yiraahdo isku dhac ciidan ayay ku dhinteen, laakiin tabartooda ayaa u diiday mooyee, waxba nooma reeban,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay Xasan Sheikh Maxamuud in ay dulqaadkooda kaga gudbeen waxyaalo badan oo ku kalifi karay in ay caroodaan oo ay colaad iyo dagaal sakooye ka bilaabaaan Muqdisho.

“ Maalin walba Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu la boodayaa qori dab leh. Anaga siyaasiyiinta ah iyo dadka magaaladan degen waaye cidda masuulka ah nabada la haysto,” ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ayaa ugu dambayn sheegay in aysan weli ka tanaasulin mudaharaadkii ay ku baaqeen, isagoo sheegay in aysan marnaba ka tanaasulidoonin waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
   













Click here
4/5/2021 5:42 PM EST
Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay dacwaddii loo haystay Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan, kaasoo dhowaan heshiis nabadeed la galay dowladda.

4/5/2021 12:34 PM EST
Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa baahisay sawiro argagax badan oo soo bandhigaya weerarkii ay ku qaadeen saldhigga ciidanka dowladda ee ku yaala tuulada Bariire ee gobolka Shabeeladda hoose.

4/5/2021 12:31 PM EST
Axad, April, 4, 2021 (HOL) - Taliska ciidamada millateriga Somaliland, ayaa lagu soo dhaweeyay 4 sarkaal oo sheegay in ay kasoo goosteen ciidamada Danab iyo Gorgor ee Soomaaliya.

4/5/2021 11:13 AM EST
Axad, April, 4, 2021 (HOL) - Wasiirka cadaalada ee dalka Zambia Gavin Lubin iyo wafti uu hogaaminayo, ayaa lagu soo dhaweeyay caasimada Somaliland ee Hargaysa.

4/5/2021 8:59 AM EST
Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Guddiga Puntland u xilsaaray wax ka qabashada qiimo beelka ku dhacay lacagta Shilin Soomaaliga ayaa soo saaray go’aan ku saabsan in aan la isku diri karin wax ka yar hal dollar lacagaha dabeysan ee mobaylada.

4/5/2021 8:23 AM EST
Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qarramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay wadahadallada hor dhaca ah ee u bilaawday madaxda DF iyo kuwa dowlad gobolleedyada ku wada sugan magaalada Muqdisho.

4/5/2021 4:36 AM EST
Isniin, April, 05, 2021 (HOL) -Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in 24 saac ee la soo dhaafay cudurka COVID-19 laga baaray 1176 ruux.

4/5/2021 1:22 AM EST
Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Wiilkan Soomaaliga ah ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Haabiil Axmed Cabdullaahi 21 sano jir ahaa ayaa lagu waramayaa in rasaas lagu furay isaga iyo Nin kale oo ay wada socdeen oo marayay agagaarka waddada Dixon iyo Scarlett magaalada Toronto ee dalka canada , iyagoo watay gaari, galabnmadii Sabtida,