4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 20, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo maanta kulan la qaatay Safiirka wadanka UK
 

Isniin, September, 20, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka UK u jooga Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka dhexmaray Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka UK ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan amniga doorashooyinka Soomaaliya.

"Ra'iisul Wasaaraha XFS Mudane  Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo  habsami u socodka  iyo amniga doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra'iisul Wasaaruhu" ayaa lagu yiri qoraal lagu soo daabacay bogga Xafiiska Raysal wasaare Rooble.

Kulanka dhexmaray Raysal wasaare Rooble iyo Safiir UK ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur ee uu dhawaan magacaabay Raysal wasaare Rooble iyo la taliyaha amniga Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Diirshe.

Wuxuu imaanaya kulankan xili wali raysal wasaaraha Soomaaliya uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo, dalkana uu ku guda jiro marxalad doorasho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]