4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2021
Puntland iyo Gamudug oo heshiis is afgarad ah ka gaaray colaada Dhabbad iyo Galinsoor
 

Sabti, September, 18, 2021 (HOL) - Puntland iyo Galmudug ayaa iskugu yimid wadahadallo lagu dhameynayo colaad muddo ka taagneyd deegaano hoostaga magaalooyinka Galinsoor iyo Dhabbad, taasi oo u dhexeysay beelo deegaanadaasi ka soo kala jeeda.

Labada maamul ayaa ku heshiiyay in mar hore xabbad joojin laga dhaqan galiyo beelaha dirirto dhexmarayso, kadibna heshiis rasmi ah laga gaaro colaada muddada dheer soo jiimaysay.

Guddoomiyaha Dhabbad, Aadan Cabdinuur Galaal, ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur loo wakiishay inuu hormuud u noqdo wada hadalada nabadeed ee lagu heshiinayo beelaha colaadu dhextaala.

Guddoomiyaha Dhabad wuxuu sheegay in ay tahay markii ugu horraysay oo Puntland iyo Galmudug ay u midoobaan in lasoo afjaro colaada Dhabbad iyo Galinsoor ka aloosan.

"Mar haddii Puntland iyo Galmudug ay ku midoobeen, waxaan ka qabnaa rajo weyn oo weyn in colaada lasoo afjaro. Sababta waxaa weeye, awal hore waxay ahayd aan isku imaano iyo saas aan yeelno. Labo qolo oo shacab ah ayay ahaayeen oo aan haysan xoog ay wax ku qabtaan," ayuu yiri guddoomiyaha Dhabbad.

Labada maamul ayaa horray u sheegay in colaada beelaha ka dhaxaysa ay tahay mid ay sii hurinayso kooxda Alshabaab ayna doonayso in ay labada maamul kaga mashquuliso abaabulka dagaalka ee ka socda koonfurta Mudug.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online