12/8/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 17, 2021
Xisbiga Waddani oo xukuumada Somaliland ku dhaliilay amaan darada Laascaanood
 

Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Xogeeyaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in anay daacad ka ahayn sugida amaanka magaalada Laascaanood.

Xogeeyaha ayaa sheegay in wasiir Maxammed Kaahin oo xukuumada u qaabilsan amaanka uu safar ku tagay gobolada galbeed ee Somaliland, isagoo sheegay in looga baahnaa in uu tago gobolka Sool oo uu u kuur galo xaalada amaan ee gobolka.

"Wasiir keena arrimaha gudaha hadii ay dhab ka tahay jacaylka reer Laascaanood Borama iyo Gabilay kamuu soo dhaanteeyeen maydkii Laascaanood oo yaala, wuu la xanuunsan lahaa wuu u tagi lahaa, mushkilada jirta ayuu soo eegi lahaa" ayuu yidhi xogeeyuhu.

"Intaan xogta ku hayno majirto war ay xukuumadu kasoo saartay mushkiladaha Laascaanood ka dhac dhacaya, shalay oo ugu danbaysay guddi ay reer Laascaanood samaysteen ayay xukuumadu guddi kaga jawaabtay, markaa xukuumada wexeedu ma jawaab uun baa" ayuu hadalkiisa ku daray.

Xukuumada Somaliland ayaa guddi wasiiro ah u magacowday u kuur galista xaalada amaan daro ee ka jirta gobolka Sool ee bariga Somaliland, iyadoo dilal is xig xigay dablay aan haybtooda la aqoonsan ugu gaysteen masuuliyiin xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka ka tirsan.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]















Click here
9/17/2021 2:09 PM EST
Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - War saxaafadeed ay goordhawayd soo saareen Xisbiga ONLF, ayaa lagu sheegay inay guud ahaan ay qaadaceen ka qaybgalka doorashada degaanka ka dhacaysa dhawaan.

9/17/2021 12:33 PM EST
Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Xubnaha Beesha Caalamka iyo hay'addaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa War saxafadeed si wadajir ah uga soo saaray khilaafka daba dheeraaday ee u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

9/17/2021 10:32 AM EST
Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo ka hadlay xanibaada diyaarad uu saaarnaa taliyahii hore ee hay'adda Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin iyo Rikaab kale oo fara badnaa iney dib ugu celinayaan dalka Turkiga oo markii hore ay kasoo duushay diyaarada.

9/17/2021 7:40 AM EST
Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Iyadoo saacadahii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegayay in Agaasimahii hore ee hay'adda NISA Fahad Yaasiin diyaarad uu la socday lagu xanibay dalka Jabuuti ayaa waxaa arintaasi goordhaw ka hadlay Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

9/17/2021 7:23 AM EST
Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Axmed Faarax, wuxuuna ahaa wasiiru dowlahii wasaaradda Warfaafinta maamul goboleedka Hirshabeelle.

9/17/2021 6:55 AM EST
Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka sii xoogeystay ee u dhaxeeya labada Masuul ee ugu sareysa Soomaaliya Farmajo iyo Rooble.

9/17/2021 1:44 AM EST
Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay qoraalkii kasoo baxay xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee lagu shaaciyay in la hakiyay awoodahii Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

9/17/2021 1:33 AM EST
Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Madaxda maamul goboleedyada dalka oo xalay kulan ku yeeshay aaladda fogaan araga ee Zoom-ka, ayaa kawada hadlay xaalada cakiran ee u dhaxeysa madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.