1/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 25, 2021
Banaanbax looga soo horjeedo dagaalka ka socda Guriceel oo ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Banaanbaxaan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid looga soo horjeedo dagaalka ka socda degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo maalintii sadaxaad galay.

Dadka dhigaayay dibadbaxa ayaa u badnaa haween iyo Caruur, kuwaas oo isugu soo baxay Isgoyska Tarabuunka  ee degmada Hodan, waxayna halkaasi ku gubeen Taayarada baabuurta iyo qashin kale oo sababay inuu mudo saacado ah hakad galaan howlaha isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Mudaaharaadayaasha waxay ku dhawaaqayeen erayo ay uga soo horjeedaan dagaalka ka socda degmada Guriceel, waxaana kamid ahaa, Qoor Qoor iyo Farmaajo doonimeyno, dhiig sokeeye doonimeyno iyo erayo kale oo la xariiray dagaalka Guriceel ka socda.

Banaanbaxayaasha qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ku eedeeyay hurinta dagaalka maalintii sadaxaad galay ee ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale cod dheer ku dalbaday in dagaalka si sharuud la'aan ah loo joojiyo iyagoona ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxdii horeba iney si deg deg ah uga qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Gabagabadii banaanbaxa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xili maalintii sadaxaad oo xiriir ah uu dagaal ka socdo degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaasoo geystay khasaare fara badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo mid hantiyadeed intaba.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]