11/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 25, 2021
Dagaal Maalintii sadaxaad galay goordhaw dib uga qarxay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud
 

Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saakay markale uu dib uga bilaawday dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca.

Dagaalka ayaa lasoo warinayaa inuu xoogiisa ka socdo dhinaca bari ee magaalada, kaasoo la isku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay inuu dagaalka yahay mid aad u xogan oo waliba la isku adeegsanaayo hubka culculus iyo kan darandooriga u dhaca,  islamarkaana ay dareemayaan cabsi xooggani.

Wali lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka goordhaw oo saakay ah dib uga qarxay degmada Guriceel, waxaana sidoo kale adag in la helo xogta rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca dagaalka, maaddama wali uu dagaalku socdo.

Degmada Guriceel ee gobolka galgaduud ayaa wajaheysa maalintii sadexaad oo dagaal ah, waxaana Magaalada ka go’an adeegyada bulshada muhiimka u ahaa, sida Korontada, Biyaha, Caafimaadka oo aanan aheyn kuwo  shaqeynayn, taaso oo keentay in dadka deegaanku ay wajahaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah oo ka dhashay dagaalada socda maalintii sadaxaad.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]