4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 20, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo si kulul u Cambaareeyay Gaari Dameeradii Raashiinka Waday ee Maanta Al-shabaab gubeen
 

Arbaco, October, 20, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraal Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul waxa uu u cambaareeyay falkii maanta Al-shabaab ay ku gubeen gaari Dameero raashiin waday oo u rarnaa ganacsato ku sugan magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

War qoraal ah oo uu raysal wasaaraha oo uu soo saaray Raysal wasaare Rooble ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay falkii maanta shabaab ku gubeen raashiinkii ku rarnaa gaari dameerada ee loo waday degmada Waajid ee gobolka Bakool.

“Waxaan cambaareynayaa aadna uga xumahay falka arxan darrada iyo burcadnimada ah ee Alshabaab ku gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool” ayuu Raysal wasaare Rooble.

Raysal wasaare Rooble ayaa sidoo kale ku tilmaamay dhacadii maanta mid ka fog naxariista, isagoona sheegay in arrinta dhacday ay soo tixneyd sanado badan, waxuuna boggaadiyay Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 60-aad ee u gurmaday dadkii waday Gaari Dameeradii la gubay ee waday raashinka.

Dhinaca Sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay tageen goobta shabaab ku gubeen gaari Dameerada raashiinka ugu rarna ganacsatada degmada Waajid, islamarkaana ay usoo badbaadiyeen qaar ka mid ah raashiinkii u rarnaa ayna ku wareejiyeen ganacsatadii iska laheyd.

Ugu dambeyntii dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa muddo sanado ah go’doomiyey degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana dhowr jeer oo hore ay sidaan oo kale duuleedka degmada Waajid u gubeen gaadiid kala duwan oo ay ku rarnaayeen Raasiin iyo  Dhuxul.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]