Hiiraan Online
11/26/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Nov 8 , 2021
Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo go'aan ka gaartay qarashaad lagu soo rogay Iskuulada ku yaala magaalada Muqdisho
Isniin, November 8, 2021 (HOL) - Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay go'aano ku aadan cabashooyin uga yimid hay'addaha Waxbarashada gobolka Banaadir.
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa waxaa lagu sheegay in wasaaradda ay baabi'isay dhamaan qarashaadkii ku xusnaa liiska Tariifada ee uu soo gudbiyay Agaasimaha Waxbarashada gobolka Banaadir, islamarkaana uu ansixiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Qoraalka kasoo baxay Xafiiska wasaaradda Waxbarashada ayaa sidoo kale lagu sheegay in xarumaha Waxbarashada ee kuyaala magaalada Muqdisho ay masuul ka tahay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.
Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran :-
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]