Isniin, November 8, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay qorshahooda ku aadan maamulka Galmudug.
Macalin Maxamuud oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Ahlu Sunna ahaan ay maamulka Galmudug ay u deynayaan madaxweynaha maamulka, islamarkaana ay ayaga leeyihiin doorka Raysal wasaaraha.
ā€¯Xalka Galmudug wuxuu ku jiraa in la wada fariisto, hadii la diidana anaga shaqadeena uma joonineyno oo howsheena waan wadaneynaa dadka isku daya inay na soo weeraraana waan iska difaaceeynaa" ayuu yiri Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.
Guddoomiyaha oo sidoo kale ka hadlaayay dagaalkii ku dhexmaray degmada Guriceel ayaga iyo ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug ayaa nasiib daro ku tilmaamay dagaalkaas oo khasaare badan dhaliyay, islamarkaana sheegay in ayaga weerarka dagaalkaas lagu soo qaaday.
"Guriceel waa gurigeenii, Dhuusamareeb waa gurigeenii aniga kula hadlaya ayaana ku dhashay Sheekh Shaakir baa ku dhashay xagey ka imaataa wax dowlad la yiraahdo oo dhaheysa dadku dalka ma imaan karaan, dowlad ma tahay marka horeba" ayuu yiri Macalin Maxamuud.
Warkaan kasoo baxay Guddoomiyaha Guud ee Ahlusunna Macalin Maxamuud ka sokow ayaa waxaa mar jirtay in Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlu Sunna inuu horay usoo noqday madaxii Xukuumadda Galmudug oo u dhiganta Raysul Wasaare.