Hiiraan Online
11/4/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Nov 7 , 2021
Taliska Booliiska Soomaaliya oo digniin adag kasoo saaray dhaca buracada geystaan iyo Anshax xumada dadka isticmaala barta Tiktok
Axad, November 7, 2021 (HOL) - Kulan balaaran oo ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Taliyeyaasha Booliiska gobolka Banaadir oo uu shir guddoominaayay Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa looga hadlay wax ka qabashada falalka burcadnimada iyo anshax xumada ay sameynayaan dhalinyarada isticmaasha aalada Tiktok.
Taliye Cabdi Xasan Xijaar oo kulanka markuu soo dhamaaday warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankooda uu ahaa mid ay diirada ku saarayeen sidii wax looga qaban lahaa buracada dhac ka geysata Muqdisho iyo anshax xumida dadka isricmaala baraha Bulshada gaar ahaan barta Tiktok.
"Taliyeyaasha Booliiska gobolka Banaadir waxaan faray ka hortaga iyo wax ka qabashada tuugada dhaca ka geysata gudaha caasimada oo soo kordheysa sadaxdii bilood ee lasoo dhaafay iyo waliba dhaqan xumada ay sameynayaan dadka isticmaala baraha bulshada ee Tiktok in wax laga qabto waxii diinta islaamka ka baxsan qofkii sameynaya oo la arko" ayuu yiri Taliye Xijaar.
Kulankaan uu maanta isugu yeeray taliyaha Booliiska Soomaaliya taliyeyaasha Booliiska gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho ay ka cabanayeen dhac loo geeysanayay iyo waliba dhaqan xumada ay sameynayaan dadma isticmaala barta Tiktok oo sii kordheysa marba marka ka dambeysa.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]