4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 23, 2021
Garyaqaanka guud ee Soomaaliya: Raysal wasaaruhu wax shaqo ah kuma lahan dacwada kiiska Ikraan

Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya Cismaan Cilmi Guuleed “Biikilo" ayaa Ra'iisul wasaaraha ka fogeeyay inuu wax shaqo ah ku leeyahay qaadida dacwada kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Garyaqaanka ayaa u muuqday mid ka jawaabayay kadib markii rag siyaasiyiin ah oo uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay ku eedeeyeen raysal wasaare Rooble in uu kasoo bixi waayay ballanqaadkiisii ahaa in ay caddaalad heli doonaan qoyska Ikraan.

Waxay shaki galiyeen kalsoonida lagu qabo in raysal wasaaruhu daacad ka yahay kiiska Ikraan, kadib markii maalmo ka hor guddiga baarista kiiskan ay soo saareen warbixin ku saabsanayd in masuuliyiintii hay'adda NISA ee lagu eedeeyay kiiskan, aysan wax lug ah ku lahayn.

“Raysal wasaaruhu wuxuu ka shaqeynayay in maxkamaddaha loo madax bannaaneeyo kiiska Ikraan. Maxkamaddaha ayaa la sugayaa go’aanka ugu dambeeya, haddii lagu qanci waayana process loo marayo ayaa jira, raysal wasaaruhuna wax shaqo haba yaaraatee kuma lahan” ayuu yiri mr Biikilo.

Cismaan Cilmi Guuleed wuxuu sheegay hay’addaha caddaalada iyo xeer ilaalinta in laga sugayo in ay  kiiska Ikraan Tahliil mariyaan caddaalada, wuxuuna sheegay in galka kiiskaas uu weli furan yahay, isla markaana ay dowladdu raadinayso macluumaad  ku saabsan kiiska.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online