Hiiraan Online
11/26/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 10, 2021
Dowladda Itoobiya oo xabsiga u taxaabtay qaar kamida shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan dalkeeda
Arbaco, November 10, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay qaar kamid ah shaqaalaha Qaramada midoobay ee ku sugan gudaha Itoobiya.
Afhayeen u hadlay hay'adda Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay xadhiga shaqaalahaas, isagoo xusay in ugu yaraan 9 kamida shaqaalaha hay'adda Qaramada midoobay iyo qoysaskooda lagu xiray Addis Ababa.
Xariga saraakiishan ayaa kusoo hagaagaya xili uu sii xumaanayo xiriirka ka dhaxeeya beesha caalamka iyo Itoobiya, isla markaan ay sii badanayso macluusha ka jirta waqooyiga Itoobiya, iyo goobaha ay dagaalladu ka socdaan, halkaas oo ay adag tahay inuu gaaro gargaarkii loogu talagalay.
Dowladda Itoobiya ayaan wali ka hadlin xariga shaqaalaha QM, iyadoo dhinaca kale Qaramada midoobay ay dowladda ka codsatay in la siidaayo shaqaalaheeda lagu xiray Addis Ababa.
Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]