Madaxwayne Mustafe cagjar oo hadda Gaari minibus ah guddoonsiiyay Guuleed yare
Arbaco, May 05, 2021 (HOL) - Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar oo dhiirigalinaya Guuleed Ibraahim ayaa waxaa uu galabta guddoonsiiyay gaari minibus ah.
Guuleed Ibraahim ( Guuleed yare ) ayaa ahaa wiilkii bajaajlaha ahaa ee hadda ka hor lacag lagu dhex ilaaway bajaajtiisa u celiyay qofkii lahaa, lacagtaas oo dhanayd 300.000 Birr.
Arrintan ayaa waxay dhiirigalin u noqonaysaa dhalinyarta bajaajta ku shaqaysa, oo hadda kaddib isku dayaya inay ku daydaan Guuleed yare.
Guuleed yare ayaa ah wiilkii u horeeyay ee degaanka Soomaalida u dhasha ee Bajaajtiisa lacag lagu ilaaway celiya, isla markaana lagu abaal mariyo gaari mini bus ah.
Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
jawharyare@hiiraan.com