5/12/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 4 , 2021
Farmaajo'' Warbaahinta wey u madax-bannaan tahay sheegista wixii qaladaad ah ee dowladddu gasho


 

Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay wakiillo ka kala socday warbaahinta Soomaaliyeed.

Madaxwynaha ayaa ugu hambalyeeyay guud ahaan warbaahinta Soomaaliyeed Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda. oo ku beegneyd maalintii shalay.

Wuxuu sheegay in mar walba dowladdu ka go'an tahay sida uu hadalka  dhiggay ilaalinta xuquuqda hadalka ama ssaxaafadda, isaga oo qiray in ay jiraan qaladaad marar kala duwan dowladdiisu ka gashay warbaahinta.

''Mar walba qalad wuu imaanayaan, laakiin waxaa wanaagsan in qaladkaasi cashar laga barto, warbaahintu wey u madax-bannaan tahay in ay sheegto wixii qaladaad ah ee dowladdu gasho adinka oo siinaya fursad ah sababta ay u qaladay in aad weydiisaan,  ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili dhawaan ciidamo ka tirsan dowladda weerar ku qaadeen xarun Idaacadeed iyaga oo lagu eedeeyay in ay qateen qalabkii Idaacada jir dilna u geysteen qaar ka mid ah shaqaalihii xiligaa sugnaa xarunta.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  


 












Click here
5/4/2021 10:54 AM EST
Talaado, May, 4, 2021 (HOL) - Dowlada Ingiriiska, ayaa 17 milyan oo dollar ku maal galinaysa mashruuca Hargaysa pypass road, oo ah wado 22.5 KM ah, taasi oo la doonayo in baabuurta waaweyn ee xamuulka magaalada Hargaysa lagaga leexiyo.

5/4/2021 10:24 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

5/4/2021 10:00 AM EST
Talaado, May, 4, 2021 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadalay xadhiga musharixiinta, ayaa sheegay in musharax kasta oo lagu helo danbi la xidhayo mucaarad iyo muxaafad ba.

5/4/2021 9:53 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Iyadoo labadii cisho ee la soo dhaafayba magaalada Muqdisho ay ku sugnaayeen wafdi heer sare oo ka socda dowladda Qatar, ayaa dhinaca kale waxaa wada hadal khadka talleefoonka ah yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani

5/4/2021 8:08 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa ku dhawaaqay guddiga xalinta khilaafaadka iyo xiisada magaalada Muqdisho, kuwaa oo isugu jira Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

5/4/2021 7:35 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Ciidamada taabacsan mucaaradka ee kasoo horjeestay mudo kordhinta ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen in aysan ka bixi doonin goobihii ay farriisinka ka sameysteen kadib qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

5/4/2021 2:55 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo kulan la qaatay safiirka Ingriiska ee Soomaaliya amb. Kate Foster, ayaa kala hadlay doorashooyinka Somaliland iyo xadhiga musharixiinta mucaaradka.

5/4/2021 1:57 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL)-Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa soo saaray awaamiir la xiriirta howlaha ciidanka Booliiska, kaddib eedeymo maalmihii ugu danbeeyay loo jeedinayay.