Hiiraan Online
11/1/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, May 24, 2021
Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha Shirka Wadatashiga Qaran oo maanta wajigiisa sadaxaad galaya
Isniin, May, 24, 2021 ( HOL ) - Iyadoo maalintii sadaxaad uu galayo maanta shirka wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhaxeeya madaxda Fedaraalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa wararka lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Shabakadda HOL sheegayaan in maanta lasoo gabagabeyn doono shirka wadatashiga Qaran lana filaayo iney kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan.
Shirkan oo si toos ah u furmay maalintii Sabtiga ayaa looga dooday qodobo xasaasi ah oo dhamaantood la xariiray xal u helista arrimaha doorashooyinka dalka, waxayna sheegeen madaxda qaarkood in shirka uu yahay mid si wanagsan u socda oo aay ka qabaan in natiijooyin waxtar leh kasoo bixi doonaan.
Qodobada aay madaxda sida aadka ah diirada ugu saarayaan shirka Afisyiini ayaa ah heshiiskii la gaaray 17-kii September iyo heshiiskii Baydhabo.
Gabagabadii shirka ka socda Teendhada Afisyooni oo wajigiisa sadaxaad lagu wado inuu goordhaw bilaawdo ayaa waxaa bogaadiyay Beesha Caalamka, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxaana laga dhur sugayaa iney kasoo baxaan shirka natiijooyin farxad geliya shacabka Soomaaliyeed, dalkana u jiheeya doorasho wadar ogol ah oo qabsoonta.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]