Khamiis, May, 20, 2021 (HOL) - Iyadoo lagu waddo in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada ayaa waxaa maanta soo gaaray qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in ay soo gaaraan magaalada madaxda dowlad gobolleedyada Puntland iyo Hirshabeelle.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan shirka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka waxaa uu ku casuumay
Shirkan oo lagu wadday in uu furmo maanta oo Khamiis ah ayaa dib u dhacay iyadoo la sugayo in dhamaan madaxda dowlad gobolleedyda soo gaaraan magaalada Muqdisho.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]