1/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 20, 2021
Ganacsade Soomaaliyeed oo gaarigiisa lagu gubay Nairobi. Isagiina lala yahay
 

Khamiis, May, 20, 2021 (HOL) - Gaari uu lahaa ganacsade Somali-Mareykan ah oo fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi laguna magacaabo Bashiir Maxmuud ayaa la helay isagoo si xun loo gubay.

Bashiir ayaa markii ugu dambeysay ee la arko wuxuu ku sugnaa goob lagu caweeyo oo ku taala xaafadda Lavington ee magaalada Nairobi 13-kii May.

Booliiska dalka Kenya ayaa Qolofka gaarigiisa  oo ahaa Range Rover oo la gubay ka helay deegaanka Kibiku ee degmada Kajiado.

Qareenada u doodaya ganacsadahan iyo qoyskiisa ayaa su’aalo ka keenay sababta lama filaanka ah ee gaariga la gubay, waxayna booliiska ka dalbadeen in baaritaan adag la sameeyo.

Nuru Saciid oo katirsan garyaqaanada Bashiir ayaa sheegay in Bashiir maalintii la waayay uu qorsheynayay inuu la kulmo dad gaar ah si uu ula qaato kulan ganacsiga ku saabsan.

“Maadaama Bashiir uu yahay muwaadin Mareykan ah, waxaan sidoo kale warqad u qori doonnaa safaaradda Maraykanka ee Nairobi si ay u soo farageliyaan,” ayuu yiri qareenkiisa.

 

Bashiir Maxamuud wuxuu ahaa qandaraasle gacanta ku hayay mashaariic dhowr ah oo dowladda Kenya ay ka waddo gudaha dalkeeda.

Waxaa horay sawir looga qaaday isaga oo ay wehliyaan mas’uuliyiin xilal sare ka haya dowladda oo ay ka mid yihiin madaxweyne Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online