Ra'iisal Wasaare Rooble oo kulan la qaatay ergeyga Qatar Al- Qahtani

Axad, May, 02, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa kulan la qaatay ergey ka socda dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.oo xalay soo gaaray magaalada Muqdisho.
Ra'iisal Wasaare Rooble iyo Dr Al-Qahtani. ayaa ka wada hadlay khilaafka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaashaha siyaasadeed ee Dowladda Dhexe iyo dhinacyada mucaaradka, isaga oo balanqaaday in dowladda Qatar is barbar taagi doonto doorasho wadar ogol ku dhacda.
Dr. Mutlaq Al-Qahtani. ayaa noqonaya sarkaalkii ugu sarreeyay ee ka socda Qatar oo soo gaara magaalada Muqdisho tan iyo markii ay soo ifbaxday xiisada siyaasadeed ee ka dhax taaggan dowladda dhexe ee dhinacyada mucaaradka.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com