Golaha midowga musharraxiinta oo soo dhoweeyay in raysal wasaare Rooble uu la wareegay hoggaaminta doorashada
Axad, May 02, 2021 (HOL) - Midowga Musharraxiinta ayaa soo dhoweeyay in RW Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka qaranka iyo amniga dalka.
Warsaxafadeed kasoo baxay Goloha musharraxiinta ayaa lagu sheegay in goluhu uu diyaar u yahay inuu si buuxda ugala shaqeeyo RW Rooble qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda waqtiga ugu dhow.
Golaha musharraxiinta waxay hoosta ka xarriiqeen in wixii ka danbeeya 1/5/2021 mas’uuliyadda doorashooyinka iyo Amniga dalka lagula xisaabtamayo Raysalwasaare Rooble iyo xukuumaddiisa.
HALKAASE HOOSE KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
abdiwali.sheikh@hiiraan.com