Isniin, May, 17, 2021 (HOL)- Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo shacabka Somaliland ugu hambalyeeyay 18 May ayaa sheegay in Somaliland ay guulo waawayn gaadhay 30 sano ee ay jirtay.
Guddoomiyaha ayaa sharaxay waxyaabaha u hirgalay Somaliland mudada 30 sano ee ay jirtay.
“30 kaa sanadood Somaliland waxa u qabsoomay wax badan, waxaynu dhisnay dal nabad ah, waxaynu dhisnay haykalkii dowlada, waxanu qabanay afti, waxaynu dhisnay nidaam dimuquraadiya, waxaynu dhisnay nidaamka axsaabta badan” ayuu yidhi.
“Waxa inoo suuragalay in aynu galno 6 doorasho oo qof iyo cod ah, Somaliland guulo waawayn bay gaadhay, waxay dhistay hanaan dhaqaale oo horumarsan, waxay kasoo dhex baxday dhamaan dalalka geeska Afrika” ayuu hadalkiisa ku daray.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in 18 May ay mudantahay in taariikhdeeda la qoro si buu yidhi jiilasha danbe ay u akhristaan.
“18 May waa maalin mudan in taariikh deeda la qoro, si ay inooga dhaxlaan jiilasha inaga danbeeya” ayuu yidhi.
Guddoomiyaha ayaa shacabka ugu baaqay in ay ilaashadan midnimadooda iyo amaaankooda xiliga doorashada lagu jiro, isla markaana waxa uu hambalyo u diray dhamaan shacabka Somaliland munaasibada 18May.
Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]