Axad, May, 16, 2021 (HOL) -Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wakiilo ka kala socda dowlad gobolleedyada kuwaa oo u gogol xaaraya shirka 20ka bishan lagu waddo in uu Muqdisho uga furmo madaxda federaalka iyo kuwa maamul gobolleedyada.
“ U diyaar garowga Shirka 20 May oo ay kaqayb galayaan DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa socda, waxaana Gudiga qaban qaabada ee ka socda Maamul goboleedyada ay maanta soo gaareen Magaalada Muqdsiho, waxaana kulankan soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayuu yiri” Macalimow.
Ra'iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo lagu wareejiyay maamulka iyo amniga guud ahaan doorashada dalka ayaa ugu baaqay madaxda dowlad gobolleedyada in ay ka soo qeybgalaan shir 20ka bisha furmaya kaasoo looga arrisanayo doorashada lagu waddo in ay dalka ka dhacdo.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]