4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 5 , 2021
Madaxweynaha Puntland oo safar degdeg ah ku tagay Bosaaso kadib weerarkii xalay lagu qaaday xabsiga ugu weyn Puntland

 

Jimco, Maarso, 05, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar degdeg oo dhinaca hawada ah ku tagay magaalada Bosaso, kadib markii xalay ururka Alshabab uu weerar ku qaaday xabsiga dhexe ee Bosaso, halkaas oo ay kasii daayeen maxaabiis.

Madaxweyne Deni oo xiran tuutaha ciidamada ayaa kulan degdeg ah la qaatay saraakiisha amniga gobolka Bari, isagoo su’aalo ka weydiinaya weerarkii xalay iyo wararka ku saabsan in maxaabiis badan ay xabsiga ka baxsadeen.

Ururka Alshabab ayaa sheegtay in 400 maxaabiis ah oo ay ku jiraan dagaalamayaashooda ay kasii daayeen xabsiga Bosaso, kadib markii ay xoog kula wareegeen.

Warar kale oo aan helayno waxay sheegayaan in ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen saldhigyo Alshabab ku leeyihiin buuraha Galgala, iyagoo daba jooga macluumaad ku saabsan kooxdii xalay weeraray xabsiga Bosaso.

Madaxweyne Deni oo la sheegay inuu falkaan aad uga carrooday, ayaa ciidamada Puntland amar ku siiyay in ay qaadaan tallaabo degdeg ah oo looga jawaabayo falkii xalay Alshabaab ka geysteen magaalada Bosaso.

Madaxweyne Deni wuxuu sidoo kale galabta tagayaa xabsiga laftiisa, si uu u soo arko baaxadda uu le’eg yahay weerarka, iyadoona ammaanka aad loo adkeeyay.

Weerarkaan oo ahaa midkii ugu horaysay oo Alshabaab u suurto galiyay in ay xabsi Puntland ku yaalla kala baxaan maxaabiis, ayaa laga yaabaa in ay soo dadajiso in ay saraakiil badan xilalkooda ku waayi doonaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]