4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 5 , 2021
Midowga Musharixiinta '' Shirka waxaa fashiliyay madaxweyne Farmaajo

 

Jimco Maarso, 05, 2021 (HOL) -  Shir jaraa'id oo ay qabteen midowga Musharixiinta kaddib markii uu fashil ku soo idlaaday kulankii ay la yeesheen Ra'iisal Wasaare Rooble ayeey ku sheegeen in madaxweyne Farmaajo si is daba joog ah ula socday kulanka, islamarkaana uu isaga ka danbeeyay shirkaasi uu burburo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu awoodi waayay in go'aan gaaro madaama fariimo is daba joog ah looga soo dirayay ayuu yiri dhinaca madaxtooyada Soomaaliya.

'''Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble waxaa awood waayay sidii uu isticmaali lahaa awoodda uu Dastuurka siinayo, sida uu hadalka u dhigay. ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Arrintan ugu weyn ee leysku afgaran waayay ah in musharaxiinta laga qeyb-galiyo wada-hadallada ku saabsan doorashada dalka ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, taasi oo Rooble uu diiday.

Laakiin Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegay in arintaasi ay dhaawac ku tahay heshiisyadii laga gaaray doorashooyinka dalka 17kii September, 2020, sidaa daraadeed micnho badan u laheyn dhankooda ka hadalka arintaa.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa maalinta berri ah u balansan dibadbax ballaaran oo ay uga soo horjeedaan madaxweynaha Soomaaliya, kaddib markii qabsoomida dibadbaxaasi ay isku afgarteen xukuumadda iyo Midowga Musharixiinta.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]