Axad, Maarso, 28, 2021 (HOL) -- Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in uu ku sii fidanayo deegaannada uu gobolku ka kooban yahay caabuqa Covid 19.
Dhinaca kale Degmada Xeraale ayaa lagu waramayaa in 15 ruux ,maalmihii aynu soo dhaafnay ay ugu geeriyoodeen cudurkan, iyadoo dhinaca kalana ay jiraan dad la ildaran sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Bashiir Daahir Dhagabadan.
Wasaarrada Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu sii kordhayo khatarta cudurkani uu ku hayo bulshada, waxaana si maalinle ah cudurkan ugu geeriyooda dad Soomaaliyeed deegaannada kala duwan ee dalka.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]