Jimco, Maarso, 26, 2021 (HOL) -Dowladda Shiinaha oo taageertay mowqofkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal madaxbannaan oo aan marnaba aqbali karin fara-gelin shisheeye.
Hadalka Dowladda Shiinaha ayaa imanaya iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya uga digay Danjireyaasha ka howl-gala Soomaaliya ku xadgudubka madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.
Dowladda ayaa sheegtay in Danjireyaasha shisheeye qaarkood ay ka baxsan yihiin shuruucda iyo curfiga diblumaasiyadeed, isagoo xaqiijiyey in dhaqanka noocaas ah aysan aqbalayn shacabka iyo dowladda Soomaliyeed.
Madaxda Soomaalida ayaan wali heshiis rasmi ah ka gaarin doorashada iyadoo wakiilada beesha caalamkuna ku howlan yihiin sidii xal dama danbeys ah looga gaari lahaa khilaafka jira.