Talaado, Maarso, 23, 2021 (HOL) - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu soconayo wada hadal u dhaxeeya Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Dowladda Soomaaliya.
Ciidamo daacad u ah Wasiir Janan iyo Dowladda Soomaaliya ayaa horraantii waxaa uu dagaal culus ku dhaxmaray degmada BeledXaawo ee gobolka Gedo.
CabdirashiidJanan ayaa u xaqiijiyay BBC in wadahadallo u socdaan isaga iyo dowladda balse wax heshiis aanan weli la gaarin.
Wuxuu sheegay in laakiin in wada hadalladaasi yihiin kuwo aan wali miro dhalin laakiin bilow ah.
Dhinaca Dowladda Soomaaliya wali wax war ah kama aysan soo saarin warka ku saabsan wadahadalka u bilaawday iyaga iyo Wasiir Janan.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]