4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 30, 2021
Ceel-afweyn: Askar lagu eedeeyay in ay kufsi u gaysteen gabadh da' yar ah
 

Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL)- Afar askari oo katirsan booliska Somaliland, ayaa lagu eedeeyay in ay kufsi u gaysteen gabadh yar oo ku nool degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Eedaysanayaasha ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo maxkamad la horgayn doono sida uu sheegay taliyaha booliska ee gobolka Sanaag.

"Kiiska afarta askari ee loo haysto gacanta ayaa lagu hayaa, baadhis baana ku socoto, maxkamada ayaana la horgayn doona" ayuu yidhi.

Taliyaha ayaa sheegay in gabadha yar ee la kufsaday ay caddaalad heli doonto.

Ciidamada Somaliland ayaan lagu aqoon in ay galaan falalka kufsiga ah, waxana laga warsugayaa halka uu cago dhigto danbiga loo haysto eedeysanayaashan.


Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
 [email protected]