9/23/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 30, 2021
Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay rag ku labisan dareeska ciidanka oo dadka dhici jiray
 

Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya gaar ahaan qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 14 nin oo ku labisnaa dareeska ciidanka, kuwaas oo dhac ka geysanayay xaafadaha magaalada Muqdisho.

Ku simaha afhayeenka booliiska Soomaaliya gaanshaale Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa sheegay raggaan lasoo qabtay in ay ku hubaysnaa hubka fudud sida qoryaha AK47 iyo bistoolado islamarkaana ay iska dhigayeen ciidanka milaratiga Soomaaliya.

Ku simaha afhayeenka ayaa sheegay soo qabashada raggaan in ay gacan ka geystaan shacabka magaalada Muqdisho, kuwaas oo habeen walba dhibbanayaal u noqday dhac iyo boob joogto ah.

Gaanshaale Cabdifitaax wuxuu sheegay in ay ku raad joogaan kooxo kale oo laamaha amnigu xogtooda hayaan, kuwaas oo dadweynaha dhac ugu geysta iyagoo isticmaala dareeska ciidanka.

Bilihii ugu dambeeyay, waxaa Muqdisho lagu qabtay dhalinyaro badna oo lagu eedeeyay in ay dadka baaran jireen, kuwaas oo aan weli qaarkood maxkamad lasoo taagin.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online













Click here
6/30/2021 2:43 PM EST
Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Cabdullahi Buulle Kamey ayaa si adag uga digay in cidaamada dowladda Soomaaliya ridaan rasaas farabadan maalmaha u dabaal dega Xoriyada dalka.

6/30/2021 11:38 AM EST
Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tababar u furay guddiyadda doorashooyinka dalka ee heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed oo socon doona muddo afar maalin ah.

6/30/2021 11:29 AM EST
Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Kristina Svenssn oo ah wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Bangiga Adduunka.

6/30/2021 8:50 AM EST
Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL)- Afar askari oo katirsan booliska Somaliland, ayaa lagu eedeeyay in ay kufsi u gaysteen gabadh yar oo ku nool degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

6/30/2021 7:41 AM EST
Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Mayorka cusub ee caasimada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa xilka kala wareegay mayorkii hore Cabdiraxman Maxamuud Caydiid (Soltelco).

6/30/2021 7:09 AM EST
Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Wasiirka maaliyadda dowladda federalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyla ayaa beeniyay in khilaafyadii siyaasadeed ee hareeyay doorashooyinka Soomaaliya ay sabab u yihiin, hakinta lacago caalamku ku kabi jiray miisaaniyadda dalka.

6/30/2021 6:24 AM EST
Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa weerar madaafiic loo adeegsaday waxay ku qaadeen Saldhig ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ku leeyihiin deegaanka Biya Cadde oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

6/30/2021 2:48 AM EST
Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Ciidamada nabad sugida Puntland ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in ay soo afjaraan xubno ka tirsan Daacish oo qaraxyo iyo miinooyin dhigayey wadada isku xirta Xamure iyo Balidhidin ee gobolka Bari.

6/30/2021 2:08 AM EST
Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Warbaahinta faafisa xogaha ururka Alshabaab ayaa sheegay in kooxda Alshabab ay howgal qorshaysan ka fuliyeen jasiiradda Kudhaa, iyagoo guryahooda kala baxay masuuliyiin katirsanaa maamulka Jubbaland.