4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 29, 2021
Shirka golaha wadatashiga qaran ee arrimaha doorashada oo lagu wado in galabta lasoo gabagabeeyo
 

Talaado, Juun, 29, 2021 (HOL) - Shirka golaha wadatashiga qaran ee doorashooyinka ayaa galabta lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo lagana soo saaro war murtiyeed, sida HOL u sheegeen masuuliyiin ka agdhow shirka.

Madaxda ayaa maanta isla meel dhigidoona qorshaha amniga doorashada, soo gudbinta xubnaha guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo iyo sameynta jadwalka cusub ee doorashooyinka.

Bilowgii hore ee shirka maanta, waxaa warbixino looga dhegaystay kooxda la taliyayasha farsamada ee arrimaha doorashooyinka.

Waa shirkii labaad oo ay yeeshaan golaha wadatashiga qaran ee Soomaaliya, tan iyo markii uu hoggaaminta doorashada la wareegay raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Dhinaca kale, Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa qaabilay wakiillo ka socday haweenka Soomaaliyeed oo ay horkaceysay wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Xaniifa Xaabsade.

Waxay ka wada hadleen xaqiijinta qoondada haweenka ee 30% ee Goleyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee soo socda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online