4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 25, 2021
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday wasaaradda Caafimaadka Turkiga
 

Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Wafdigan ka socday Wasaaradda Caafimaadka dalka Turkiga oo uu hoggaaminayaay Dr Cevdet Erdol ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo wafdiga ka socday Wasaaradda Caafimaadka dalka Turkiga ayaa ka wadahadlay sameynta sharciga jihaynta Caafimaadka dalka Soomaaliya.

Wafdiga ka socday wasaaradda Caafimaadma dalka Turkiga ayaa balan qaaday iney door weyn ka qaadan doonaan horumarka iyo tayeynta adeegyada Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa u mahadceliyay wafdiga Caafimaad ee ka socday dowladda Turkiga oo uu sheegay in marwaliba aay garab taagan yihiin shacabka iyo dowlada Soomaaliya, islamarkaana sheegay in wasaaradda Cadaaladda aay ka shaqeyn doonto sidii loo sameyn lahaa sharci qeexaya tayada iyo badqabka Caafimaadka Soomaaliya oo aay kala kaashaneyso wasaaradda Caafimaadka dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]