9/23/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 22, 2021
Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo xukuumada ku eedeeyey in anay ku qanacsanayn aqlabiyada mucaaradka
 

Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxammed Cabdilahi (Cirro),ayaa sheegay in xukumadu anay ku qanacsanayn aqlabiyada isbahaysiga mucaaradka.

Guddoomiyaha ayaa yidhi" xukuumadu 30 keedi xildhibaana 52 ayay ka dhigaysa, 52 xildhibaan ee mucaaradkana 30 bay ka dhigaysa".

Cirro ayaa ku andacooday in loobahanyahay in xukuumadu iimaansato qaybta ay doorashadi ka heshay.

"Xukuumadu waa in ay iimaansata aqlabiyadu halka ay martay" ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Cirro ayaa sidookale sheegay in shacabku isbadal u codeeyeen isbadalkiina dhacay.

"Shacabku waxay u codeeyeen is badal, waxayna aqlabiyadoodi u codeeyeen 52 kaa xildhibaan oo kamid ah 82 xildhibaan ee golaha" ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Isbahaysiga mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, oo haysta aqlabiyada golaha wakiilada, ayaa dadaal ugu jira sidi ay ugu guulaysan lahayeen shirgudoonka golaha.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
[email protected]












Click here
6/22/2021 12:37 PM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaran shir Sabtida ka dhacaya magaalada Muqdisho.

6/22/2021 12:21 PM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - In ka badan 700 oo caruur ah ayaa lagu diley ama lagu naafeeyey Soomaaliya sanadkii 2020 kadib xadgudubyo ay geysteen kooxda Al-Shabaab, ciidamada dowladda, maleeshiyo beeleedyo iyo AMISOM, sida lagu sheegey warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay.

6/22/2021 10:28 AM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa digniin kasoo saaray ku dhaqanka sharuuc iyo dhismaha hey'addo sharci darro uu ku sheegay oo aanan soo marin Aqalka Sare.

6/22/2021 8:36 AM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Afhayeenka ciidanka xoogga dalka, G/sare Cali Xaashi Cabdi ayaa sheegay in ay ciidamada dowladdu dagaallo shalay ka dhacay gobolka shabeeladda dhexe ku dileen 17 katirsan dagaalamayaasha Alshabaab.

6/22/2021 8:16 AM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul uga hadlay dilalka qorsheysan ee ka dhaca gudaha magaalada Baledweyne.

6/22/2021 7:52 AM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa Cabdirisaq Khaliif Axmed u sharaxay doorashada shirgudoonka wakiilada halka gudoomiye ku xigeenka ay ka dhigeen Cumar Jaamac Faarax.

6/22/2021 2:38 AM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xalay kulan kuwada yeeshay Aaladda wadahadalka khadka Zoom-ka.

6/22/2021 2:17 AM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Dableey Bastoolado ku hubeysnaa ayaa xalay waxay degmada deyniile ee gobolka Banaadir ku dileen guddoomiyahii Waaxda Kurdamac ee degmada Deyniile Cabdi Cabdulle Cismaan oo loo yaqaanay Cabdi Juge.

6/22/2021 1:25 AM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa ayaa soo saaray war-saxaafadeed digniin ah oo uu ku caddeynayo awoodiisa iyo kaalinta uga aadan hanaanka loo qabanayo doorashoyinka dalka.

6/22/2021 1:15 AM EST
Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in xadgudubyada lagula kaco carruurta ku nool wadamo ay Soomaaliya kamid tahay, ay yihiin kuwo si aad ah looga argagaxo.