4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2021
Dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay Xiriirka labada dal
 

Sabti, Juun, 12, 2021  (HOL) - Wafdi uu hoggaaminaayo Safiirka Soomaaliya u fadhiyada dalka Turkiga Jaamac Ceydiid Maxamed ayaa gaaray magaalada Baku ee Caasimaadda wadanka Azerbaijan.

Wafdiga Danjire Jaamac Ceydiid ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda dalka Azerbaijan Jeyhun Bayramo, waxaayna ka wada hadleen arrimo aay ka mid yihiin sidii loo soo celin lahaa xiriirkii ka dhaxeeyay labada dal.

Danjire Jaamac Ceydiid Maxamed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay iney ka wada hadleen wafdigiisa iyo wasiirka arrimaha dibadda dalka Azerbaijan dib usoo celinta xiriirkii wanaagsanaa ee ka dhaxeeyay labada dal ee Soomaaliya iyo Azerbaijan, isagoona uga mahadceliyay wasiir Jeyhun Bayramo soo dhaweynta uu u sameeyay wafdigiisa.

Safiirka aya intaasi ku daray in wasiirka arrimaha dibadda Azerbaijan inuu uga xog waramay deegaanadii aay ku dagalaameen Azerbaijan iyo Armeniya, islamarkaana Soomaliya uga mahadceliyay garab istaagii taageerada ahaa aay u muujisay dowladiisa Azerbaijan xiliyadii dagaalada.

" Annaga dhankeyaga waxaanu  uga mahadceliyay sida fiican ee uu noo soo dhaweeyay, waxaana u gudbinay fariinta dowladda Soomaaliya ee ku aadaneyd xiriirka labada dal oo ah mid walaaltinimo, is qadarin iyo iskaashi isku dheelitiran, waxaan xusnay xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee walaaltinimo iyo dhaqankii labad dal ka dhaxeeyay" ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga u fadhiya Jaamac Ceydiid.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa sidoo kale sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo dib usoo celinta xiriirkii wanaagsanaa ee ka dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]