Hiiraan Online
11/2/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Jun 1 , 2021
Ciidamo hubeysan oo xirtay Buundada Liqliqato ee Magaalada Baledweyne
Talaado, Juun, 1, 2021 (HOL) - Khilaaf xoogan oo la xiriira dhanka maamulida Canshuurta oo soo kala dhexgalay guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo ku xigeenkiisa dhanka Maaliyada ayaa sababay in ciidamo ka amar qaata guddoomiye ku xigeenka maaliyada gobolka Hiiraan Abuukar Maadeey aay xirtaan Buundada Luqliqato.
Ciidamada ka amar qaata guddoomiye Maadeey ayaa saaka waarabigii hore xirtay Buundada Liqliqato kuwaas oo hakad galiyay isku socodka Gadiidka isaga kala gooshayay xaafadaha Howlwadaag iyo Kooshin ee magaalada Baledweyne.
Shalay ayay aheyd markii isla ciidamadan ka amar qaata guddoomiye ku xigeenka Maaliyada gobolka Hiiraan aay xirteen Buundada Liqliqato walow saacado kooban kadib lagu guuleystay in halkaasi laga wado ciidanka xirtay.
Xernashaha Buundada Liqliqato maalintii labaad ayaa imaaneysa xili wadahadalo shalay ilaa xalay lagu dhexdhexaadinaayay guddoomiye ku xigeenka Maaliyada iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan la sheegay in lagu guuleysan waayay in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya ee ka dhashay howlaha canshuurta.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]