4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 30, 2021
Wararkii ugu dambeeyay dagaalo culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan
 

Jimco, Luulyo, 30, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo aad u qaraar oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaano hoos yimaada degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Dagaalada u kululaa ayaa labada dhinac ku dhexmaray deegaanada Afcad iyo Ceel bacad oo ku yaala inta u dhaxeysa magalooyinka Buula burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka qeybta 27-aad Jenaraal Axmed Maxamed Calasoow Tareedishe oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay iney khasaare xoogan gaarsiyeen Al-shabaab, islamarkaana ay ka dileen in ka badan 30 dagaalame oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Jenaraal Tareedishe ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ay kusoo furteen hub kala duwan oo ay ka mid yihiin 14 qori oo AK47 ah hal qori oo BKM ah iyo hal qori oo RPG ah.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan dagaalada dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Gabagabadii Jenaraalka ayaa sheegay iney sii wadayaan dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]