4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 3 , 2021
Somaliland: Mudaharadayaal dab qabadsiiyay calanka Soomaaliya
 

Sabti, Luulyo 3, 2021 (HOL) - Dad gadoodsan oo iskugu soo baxay magaalada Gabilay, ayaa dab qabadsiiyay calanka buluuga ah ee Soomaaliya.

Dadwaynaha calanka gubayay ayaa ku dhawaaqayay erayo ay kaga soo horjeedan dowlada Soomaaliya.

Qaar kamida dadka mudaharadayay ayaa sheegay in ay ka xanaaqsan yihiin, hadalkii uu madaxweyne Farmaajo ku sheegay in kacdoon midnimo doon Somaliland ka socdo.

"Wuxu yidhi kacdoon ayaa Somaliland ka socda, sow diyaar uma nihin in aynu dalkena difaacno" mid kamida ganacsatada Gabilay ayaa sida yidhi.

Waa markii labaad ee calanka Soomaaliya gudaha Somaliland lagu gubo muddo 3 cisho gudaheed ah.

Khamiistii 1 bishan July ayay ahayd markii dadweyne gadoodsani calanka Soomaaliya dab ku qabadsiiyeen gudaha Borama.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiraan  Online
[email protected]