4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 3 , 2021
Wasiiradii ugu badnaa ee maamulka Hirshabeelle oo Maanta Baledweyne gaaray


Sabti, Luulyo 3, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Baledweyne soo gaaray tiradii ugu badneyd ee golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle tan iyo markii Hirshabeelle madaxweyne ka noqday Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Wasiirada maanta gaaray magaalada Baledweyne ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baledweyne xubno ka tirsan labada gole ee Hirshabeelle oo horay sii joogay magaalada Baledweyne.

Ujeedada wasiirada Hirshabeelle ee maanta soo gaaray magaalada Baledweyne ayaa lagu sheegay shir maalinta Axada ah uga furmayo magaalada Baledweyne golaha wasiirada Hirshabeelle.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo ku sugan magaalada Baledweyne ayaa lagu wadaa inuu shir gudoomiyo shirka golaha wasiirada Hirshabeelle ku yeelan doonan maalinta berito.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]