4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 3 , 2021
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo la shaaciyay in dib loo furay
 

Sabti, Luulyo 3, 2021 (HOL) - Lix bilood kadib waxaa si rasmi ah loo furay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib xal laga gaaray khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Munaasabad balaaran oo dib loogu furayay Safaarada Soomaaliya ee Kenya ay ku leedahay ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Safiirada dalalka Caalamka ee ku sugan dalkaasi Kenya.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya uu ahaan jiray waligiis mid isbedbedala marna xoogeysta, balse aysan kala go'i jirin.

Danjire Tarsan ayaa sidoo kale shaaciyay in safaaradda Soomaaliya ee Kenya si rasmi ah u shaqo bilaabi doonto maalinta Isniinta ah, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney soo doonan karaan adeegyada ay uga baahan yihiin Safaaradda.

Dib u furitaanka Safaaradda Soomaaliya ayaa imaaneysa xili muddo lix bilood ah ay hakad ku jireen adeegyadii Safaaradda u qaban jirtay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Kenya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]