4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 23, 2021
Taliyihii booliiska Somaliland ee degmada Gar-adag oo la dilay
 

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (HOL) - Taliyihii booliiska degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag Cabaas Maxammed Diiriye, ayaa lagu dilay howlgal uu hogaaminayay oo ciidanka booliiska degmadu fuliyeen.

Howlgalka oo ay ciidanku kusoo qabanayeen eedaysane ayaa ka dhacay deegaanka God-heelin, oo degmada Gar-adag hoos yimaada, halkaasi oo uu taliyuhu ku geeriyooday kadib markii iska caabin uu ciidanku kala kulmay eedaysanaha ay raadinayeen.

Ciidanka booliska Somaliland, ayaa aan wali war rasmi ah kasoo saarin dilka taliyaha Gar-adag.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online