9/20/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 2 , 2021
Taliska Booliiska Soomaaliyeed oo ka hadlay howlgalo laga sameeyay wadada xariirisa Muqdisho iyo Baydhabo
 

Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Howlgalo isbaaro qaadis ah oo aay si wadajir ah u sameyeen ciidamada Daraawiishta maamulka Koofur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa laga fuliyay wadada xariirisa Muqdisho iyo Baydhabo.

Howlagalka ciidamada ayaa waxaa hoggaaminaayay wasiirada Amniga iyo Arrimaha gudaha maamulka Koofur Galbeed iyo Saraakiil ciidan oo ka kala tirsan Koofur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya.

Ciidamada ayaa mudada aay howlgalada ku guda jireen waxay qaadeen isbaarooyin dhowr ah oo aay ka mid yihiin Balow, Daa'uud, Buulle, Isbaaro Taraafiko, iyo waliba dhufeyso Maleeshiyo beeleed ka sameysteen gudaha degmada Walaweyn ee gobolka Sh/hoose.

"Maanta ayaa Degmada Wanlaweyn laga fuliyay howlgal lagu nadiifinayo isbaatooyinka yaalay nawaaxiga degmadaas. Wafti ay horkacayeen Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed ayaa qaaday Isbaaraayinka, iyadoo masuuliyada sugida Amniga degmadaasna loo dayay Saldhiga Boliiska Degmada Wanlaweyn, sida uu qabo sharciga Nabadgelyada Guud ee Qaranka" ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali Doodishe.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in howlgalada isbaaro qaadista lagu soo qabtay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo lacago sharci daro ah ka qaadayay gaadiidka dadweynaha ee wadadaasi isticmaala.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/2/2021 11:38 AM EST
Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Qaraxaan oo ah mid Ismiidaamin ah ayaa la sheegay inuu ka dhacay goob Maqaaxi ah oo ku taala Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kasoo jugtiisa laga maqlay degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir.

7/2/2021 8:42 AM EST
Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Kulan aay maanta isugu yimaadeen guddiga hirgilinta doorashooyinka dalka ee heer Fedaraal ayaa waxay guddoomiye si kumeel gaar ah u doorteen Muuse Geelle Yuusuf.

7/2/2021 7:11 AM EST
Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Komishanka xuquuqal insaanka Somaliland, ayaa walaac kamujiyay xaalada 35 hablood, oo loo xidhay in ay calanka Soomaaliya qaateen.

7/2/2021 5:13 AM EST
Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Ciidamo Soomaaliya ay u dirtay Eritrea ayaa gudaha u galay dalka Itoobiya, sida uu sheegay Robert F. Godec, oo ah sii hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka.

7/2/2021 3:33 AM EST
Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Baarlamaanka Carabta ayaa soo dhaweeyay go'aankii dhawaan kasoo baxay golaha wadatashiga qaranka Soomaaliya ee ku saabsanaa jadwalka doorashooyinka dalka Soomaaliya.

7/2/2021 2:30 AM EST
Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar Cagjar ayaa sheegay ineysan marnaba u dulqaadan doonin shaqsiyaadka uu sheegay iney la shaqeeyaan ama taageeraan Ururka TPLF, ee ka dhex dagaalama gudaha dalka Itoobiya.