4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2021
Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid warbixin ay soo saareen koox katirsan midowga Afrika
 

Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Dowladda Somaaliya ayaa gaashaanka u daruurtay warbixinta kasoo  baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taasoo looga hadlay arrimo ku saabsan howlgalka AMISOM iyo xaaladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay qabatay kulan wasiiro ah oo looga hadlayo warbixinta waxayna diiday bilowgaba talooyinka warbixinta, iyadoo soo saari doonta war rasmi ah oo loogasoo horjeedo arrintan.

Warbixintan oo ka kooban 35 bog, ayaa sharraxaysa xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo arrimo ay sheegeen in ay ogaadeen xilligii ay qiimaynta wadeen. Inkastoo midowga afrika aanu si rasmi ah u soo saarin warbixintan.

Waxyaabaha lagu sheegay waxaa ka mid ah in wixii ka dambeeya 2021 howlgalka Amisom lagu wareejiyo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo wadajir ah iyo  in Soomaaliya la geeyo ciidamada Bariga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ma ay sheegin sababta ay warbixintaasi ku diiday, inkastoo warbixinta lagu sheegay waxyaabo dowladdu dhibsatay oo ay kamid yihiin, sida in aanay jirin  dhismeyaal maamul oo ay dowladda leedahay, maxkamado iyo saldhigyo boolis, xarumo caafimaad, kuwo wax barasho.

Waxaa warbixintan lagusoo beegay iyadoo dowladda federalka Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay qaban qaabada doorashooyinka dib u dhaca uu ku yimid ee dhawaan heshiiska laga gaaray.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online