4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2021
Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka dalka oo kulan la qaatay Guddiga Amniga Doorashooyinka
 

Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Fedaraal Maxamed Xasan Cirro ayaa Xalay kulan la qaatay guddiga amniga doorashooyinka dalka ee heer qaran ee uu guddoomiye u yahay taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jenaraal Cabdi Xasan Xijaar.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xaqiijinta amniga iyo sidii dalka uga qabsoomi laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa guddi hoosaadka amniga GHDHF oo wada diyaar garoow la xiriira sugida amniga doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Kulanka guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dalka iyo guddiga xaqiijinta amniga doorashooyinka dalka ayaa imaanaya xili dhawaan lagu dhawaaqay jadwalka doorashooyinka, iyadoo dhamaadka bishaana ay qabsoomi doonto doorashada xildhibaanada aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dalka Maxamed Xasan Cirro ayaa maalmahii ugu dambeyay waday kulamo wadatashi oo uu ku dardar gelinaayo sidii ay u qaban lahayeen doorasho wadar ogol ah oo dalka ka qabsoonta.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]