4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dil Xalay ka dhacay Magaalada Baledweyne
 

Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay magaalada Baledweyne Askari ka tirsana ciidamada dowladda Soomaaliya.

Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Qeeyliye waxaana la sheegay in la dilay isaga oo saaran Mooto Bajaaj kuna sii jeeday xaafadiisa.

Dableydii hubeysneyd ee dilka u geystay askariga ayaa iyagana goobta si deg deg ah uga baxsatay, waxaana la sheegay iney horay usii qaateen qorigii uu watay askariga dhintay.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa dilka kadib gaaray goobtii lagu dilay askariga iyagoona meyda askariga goobta ka qaaday, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano,

Lama oga cida ka dambeysay dilka askariga oo la sheegay iney fuliyeen laba nin oo hubeysanaa, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha amniga degmada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]