4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 17, 2021
Faratoon oo balanqaad u sameeyay xubnaha golaha wakiilada Somaliland ee cusub
 

Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo isbahaysiga xildhibaanada UCID iyo Kulmiye u sharaxeen jagada shirgudoonka wakiilada Somaliland, ayaa balan qaaday in uu sinaan ku hogaamin doono golaha.

Faratoon ayaa sheegay in hadii uu ku guulaysto jagada afhayeenka wakiilada aanu xildhibaanada ugu kala eexan doonin muxaafad iyo mucaarad.

"Waxaanu isku afgaranay in aanu golaha wakiilada ee 82 xubnood ka kooban aanu si wanaagsan u hogaamino" ayuu yidhi.

"In aanaan mucaarad iyo muxaafad ugu kala eexan, ee aanu si dalka dan u ah ku hogaamino".

"Waxan doonaya in qolada mucaaradka ahina u fahmaan in meesha aan dagaal loo tagayne loo tagayo sidi dalka wax loogu kordhin laha" ayuu hadalkisa ku daray.

Xildhibaanada xisbiga Kulmiye iyo qaar kamida xildhibaanada xisbiga UCID, ayaa maanta ku heshiiyay in Faratoon loo sharaxo jagada afhayeenka wakiilada.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
[email protected]