4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 14, 2021
Dagaal beeleed khasaare geystay oo ka socda duuleedka degmada Matabaan
 

Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan aya sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal beeleed u dhaxeeya laba Maleeshiyo beeleed.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii rag hubeysan weerar ku qaadeen Maleeshiyo beeleed ku sugnaa duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa la sheegay iney isku adeegsan hayaan rasaasta noocyadeeda kala duwan, waxaana la sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba leh.

Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa kasoo kala jeeda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud waxuuna dagaalkooda salka ku haya lahaansho dhuleed iyo aanooyin qabiil.

Ma ahan markii ugu horeeysay ay labadan Maleeshiyo beeleed ku dagaalaman degmada Matabaan iyo nawaaxigeeda, waxaana horay dhowr jeer oo hore u fashilmay heshiisyo nabadeed oo ay wada gaareen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]