4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 11, 2021
Labo carruur ah iyo Aabbahood oo lagu dilay deegaanka Saax-qurun oo Gaalkacyo hoos timaada
 

Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Maleyshiyo hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa xalay saqdii dhexe dad Shacab ah ku laayay duleedka deegaanka Saax-qurun oo dhacda galbeedka magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Weerarkaasi waxaa ku geeriyooday 2 Carruur ah iyo Aabahood oo lagu magacaabo Xasan Diiriye Cilmi Waalid, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay wiil yar oo 8 jir ah.

Wararku waxay sheegayaan in hooyada reerka aysan goobta joogin marka uu falku dhacayay, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah ehelada qoyska.

Lama oga cidda ka dambeysa weerarkaas, hase yeeshee deegaanada miyiga ee hoos yimaada Gaalkacyo waxaa inta badan ka dhaca dhacdooyin salka ku haya aanooyin qabiil oo ka dhaxeeya beelo ood wadaag ah oo halkaasi wada daga.

Maamulka Galmudug oo ka arrimiya deegaankaas ayaa la filayaa inuu faahfaahin ka bixiyo dhacdadan dadka shacabka lagu laayay iyo cidda falkaas ka dambeysay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online