4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 1 , 2021
Munaasabadda 1-da Luulyo oo laga xusay magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka
 

Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Munaasabado heerkoodu aad u sareeyo oo lagu weyneynaayo xuska 1-da Luulyo oo ku asteysan 61-sano guuradii kasoo wareegatay markii gobolada Koofureed xornimada ka qaateen gumeystihii Talayaaniga sanadka markuu ahaa 1960-kii iyo israacii labada gobol ee Koofur iyo Waqooyi ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka.

Boqolaal shacab ah oo u badan dhalinyaro ayaa xalay lagu arkaayay iyagoo dhex damashadaya wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho iyo goobaha taariiqiga ah ee ku yaala magaalada Muqdisho, iyaga oo ku labisan dhar ka sameysan midabka Calanka dalkeena Soomaaliya.

Goobta ugu mashquulka badneyd ee dad weynaha ugu badan isugu tageen ayaa aheyd fagaaraha Daljirka Dahsoon halkaas oo aay buux dhaafiyeen dadweyne farabadan oo ka kala yimid dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana halkaasi kula hadlay dadkii ku sugnaa guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Fishin oo la qeybsaday farxada iyo u dabaaldega maalinta 1-da Luulyo.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xalay calan-saaray Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya, si loo maamuuso Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo oo ku aadan sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee gumaystuhu uu kala qaybiyey.

Madaxweynaha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalintan qiimaha badan oo ku suntan gobanimada, midnimada iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed ee maal iyo naf-ba u huray hanashada Qaran ka tarjumaya himilada iyo hiigsigooda.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa uga hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaan Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa  munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan Sanad guurada 61aad ee ka soo wareegtay Xorriyaddii Gobollada Koofureed ee dalkeenna, Midowgii Koofur iyo Woqooyi iyo Dhalashadii Qarankeenna.Waxaan abaal u haynaa, ku faaneynaa, una duceyneynaa aabbeyaashii u soo halgamay, soona hooyay xorriyadda aan ku naallooneyno kuwaas oo guushaas ku gaaray isku duubni, wadajir, walaalnimo iyo is-jaceyl" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Gabagabadii xuska maalintan qiimaha badan ku leh shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn waxaa looga dareemay u dabaal-dageeda guud ahaan dalka Soomaaliya

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]