4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2021
Guddoomiyaha ONLF " Dawladdu si joogto ah ayay weerar noogu haysay"
 

Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL)- Guddoomiyaha Ururka ONLF C/raxmaan Sheekh Mahdi Maadey ayaa ku eedeeyay Dawladda Degaanka Soomaalida inuu ku hayo weerar toos ah iyo mid dadban.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in koox uu ku tilmaamay qaswadayaal ay dawladdu soo abaabulayso oo ay
maalgalinayso iyagoo wata magacii ururka, waa siduu hadalka u dhigay Guddoomiyuhu.

Geesta kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Ururku uu mid yahay, isla markaana sharciyaysan yahay una tartami doono doorashada soo socota.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa kusoo hagaagaya xilli maalinimadii shalay uu ururku  tallaabo ka qaaday xubno uu ku tilmaamay inay jabiyeen xeerkii iyo shuruucdii u yaallay ururka.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]