4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2021
Qarax iyo weerar wada socda oo goor dhaw lagu qaaday Hoteel Afrik ee magaalada Muqdisho

 

Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL)- Weerar ku bilaawday ismiidaamin ayaa goor dhaw lagu qaaday Barkootarool oo ku taala waddada aada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo Qaraxa ismiidaamin  ah kaddib wararku sheegayaan in dabley hubeysan gudaha u galeen Hotelka Afrik ee ku yaala isla goobta.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu waramayaa in lagu dhuftay ilinka hore ee Hoteelka oo dhinaca kalana ay taalo Bartakooltarool ee laga socdo dhaqdhaqaaqa waddada gasha Garoonka diyaaradaha Aada Cadde. 

Rasaas ayaa laga maqlayaa gudaha Hoteelka  mana jirto faah faahin rasmi ah oo ilaa iyo hadda laga hayo khasaaraha ka dhashay Qaraxa iyo xaalada guud ahaan goobta uu weerarku ka dhacay.

Wixii faah faahin ah waan idin soo gudbin doonnaa..

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]