4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2021
Wakiilka Qarramada Midoobey oo gaaray magaalada Kismaayo

 

Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL) - Wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Kismaayo xarunta KMG u ah dowlad gobolleedka Jubbaland.

Wafdiga Qarramada Midoobey waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno ka tirsan labada golle.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay kala hadlaan mas'uuliyiinta Jubbaland arrimaha doorashooyinka dalka iyo waliba shirka uu shalay ku baaqay madaxweyne dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Jubbaland ayaa ka mid ah dowlad gobolleedyada sida weyn uga soo horjeeda hannaanka dowladda Soomaaliya u maamuleyso doorashada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]